Muqdisho,(insidesomalia.org)- Qoraal ka soo baxay xafiiska Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban ki-moon ayaa waxaa uu kaga hadlay dilalka qorsheysan ee lala beegsanayo shaqaalaha Qaramada Midoobay ee howlaha Samafalka ka wada dalka Soomaaliya,iyadoo bayaankan lagu soo aadiyay Maalmo is xigxigay oo Labo ka tirsan shaqaalaha Qaramada Midoobay lagu dilay Magaalooyinka Xudur iyo Marka oo ka kala tirsan Bakool iyo shabeellaha hoose.
Ban ki-moon waxaa uu sidoo kale Cambaareeyay dilalka iyagana ka dhacay wadanka Afganistan ee lagula dhaqaaqayo shaqaalaha gar gaarka waxaana uu tacsi u diray dhamaan eheladii ay dadkaasi ka geeriyoodeen kuwaasi oo uu sheegay in ay xubin ka ahaayeen Qaramada Midoobay.
Shaqaalaha Qaramada Midoobay ee ka howlgala Soomaaliya ayaa waxaa soo wajahday cabsi daran kadib dilalka qorsheysan oo lala beegsanayo, iyadoo kuwa wax dila ay caadi ka dhigteen inay madaxa ka toogtaan si uusan u soo kicin ruuxa
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa ku booriyay dhinacyada isku haysta Soomaaliya inay ilaaliyaan dadka Samafalayaasha si ay u gutaan waajibaadka ka saaran quudinta dadka dhibaataysan.